Kadib in badan oo bahda Maqalka ay indha-indhayn ku wadday baraha bulshada Soomaalida,waxaa inoo caddaatay in ay ma huraan tahay in la helo madal qofka xiiseeya xogaha quseeya Siyaasadda,Taariikhda iyo Technolgy-da uu si fudud uga aqrisan karo,waliba xog ku qoran Af-Soomaali.
23-ki febraayo 2021,waxaa hawada si toos ah usoo galay fikrad in badan khiyaal ahayd,waa Maqalka bulshada. Is badallo aan ku samaynay iyo adeegyo aan soo kordhinnay darteeda,magaca si uu u noqdo mid fudud,ujeeddo cadna u taagan waxaan ku soo koobnay kaliya Maqalka.
Qodobada aynu diiradda saarno waxaa jira sababo cayiman oo aynu u doorannay,waxaa ka mid ah; Taariikhda;kaliya maaha ogaalka wixii na dhaafay sidoo kale waxaa loo adeegsan karaa,in lagu taxliiliyo waxa nagu soo fool leh. Nolosha marar badan waxay soo celcelisaa dhawr bog oo isku mid ah waqtiyo isku dhaw,si aynu u noqono dad fursad iyo wacyi ahaanba u diyaarsan taariikhda boos wayn ayay noogu jirtaa.
Siyaasadda;siyaasadda waa maamulka nolosha oo dhan,siyaasadda kaliya kuma koobna xafiisyada dawladda iyo inta yaree ka agdhaw,siyaasadda waa hab hoggaamin,waa jajabinta waxyaabo waa-wayn si looga soo saaro natiijo fudud oo qurux badan.
Technology-dda; casriga shaashadaha,casriga hawl fududeeska,casriga hormarka caqliga macmalka ah,waqtiga ugu haboon ee qof noolaan lahaa,dabcan haa qof walba waayihiisii ayuu ammaanaa oo la qurxoon laakiin hubaal waa qofkee qofka aan xiiso innaba u qaadi karin inuu ogaado sida aaladahan u shaqeeyaan. Mar kale ku soo dhawaada saaxibayaal madashiinna,hubaal waad jeclaan doontaan la joogeenna.
Aqris wacan dhalinyaro!