Published on: Fri Sep 06 2024
Published by: Mohamud Adan Dahir
Ka hor soo shaacbixidda Calmaaniyadda,kaniisadaha iyo wadaado diimeedka waxay xiriir dhaw la lahaayeen dawladda,xiriirkan oo ugu danbayn sababay in wadaadadu gacanta ku dhigaan go’aannada dawladda.
Kaniisadaha oo markaa ay ugu tunka waynayd tan Catholic-ga, kaliya ma aysan ahayn goob cibaado balse waxayba ahayd halka lagu karkariyo laguna go’aamiyo shuruucda cusub iyo halka bulshada loo jihaynaayo.
Si lamid ah dawladihii jiray xilligaa oo intooda badan boqortooyo ahaa kama aysan muujin wax diidmo ah.
Xiriir hoosaadkan ayaa ugu danbayn isku rogay halka bulshada ay culayska ugu badan ka dareento,iyadoo culaysyadaasi tabasho badan kadib ay noqotay mid aan waxba laga qaban.
Cadaadiskaas bulsho ayaa dhalay inay soo if baxdo kaniisadda Protestant-ga qarnigii 16aad,kooxdan ayaa sheegatay inay wax wayn ka badalayaan doorka kaniisadda,ayna jawaab u yihiin talo maroorsiga iyo awoodda dheeraadka ah ee wadaadada kaniisadda Catholic-ga, iyagoo u arkaayay inay wax aan danta bulshada ahayn ka shaqeynayaan.
In yar un ka dib,labadi qarni ee is xigay ee 18aad iyo 19aad,waxaa mar qura soo baxday aragtida Calmaaniyadda (secularism),oo si aan la filayn uso afjartay xirirka dhaw ee ka dhaxeeyay kanisadda iyo qoloda marba talada dalka fadhida,dadaalka ugu badan waxay ku bixiyeen sidii loo kala gayn lahaa,nolosha dadwaynahana ay uga madax bannaanaan lahayd wadaadadaa diinta .
Calmaaniyaddu macna ahaan waa in la kala saaro dawladnimadda iyo diinta.
Halka dawladdu ay dhex dhexaad ka tahay arimaha diinta.
Qeexitaan ahaan waa lagu kala duwanan karaa,tusaale haddiii calmaaniyadda galbeedka tahay in la kala saaro dawladnimada iyo kaniisadda. Hindiya waa in la taageero diimaha oo dhan (Sarva dharma sambhava).
Aragtidan inkastoo dadkii waday ay ku doodayeen inay dadka u dan tahay,hadana ma aysan helin soo dhawayntii ay filaayeen.
ugu horeynba waxay dab iyo diidmo kala kulantay kooxdii kaniisadda oo horey usoo watay dad aragtidooda cabsan.
is ka hor imaadkan ayaa aakhirkana sababay dagaalka ay ugu yeeraan dagaalka dhaqanka iyo diinta(war of cultural).
Dhanka kale dawladaha oo ay markan hor kacayeen koox la baxday enlightenment ideals oo inta badan ku dadaalay inay dadka ku riixan dhanka waxbarashada,sidii hore ee dadku unoolaana u haysta dibbudhac ayaa aragtidan si wayn usoo dhaweeyay.
sanado yar kadib aragtidan calmaaniyadda xuduuda Yurub ayay ka gudubtay oo ahayd halkii ay ka bilaabatay illaa ay gaartay Turkiga iyo Hindiya, balse ma aysan helin so dhawayn qancisay.
Yurub Inkasta oo ay tahay,ahaydna salka ay ku fadhiday calmaaniyadda haddana Mareekanka ayay u diiwaan gashantahay inuu yahay kan si guud ushaaciyay inuu yahay qaran calmaaniyaddu tahay seeska dawladnimadiisa; ”golaha duqayda Mareekanka ma diiwaan galin karo mana taageri karo diimaha jira middood”.
Qodobkan oo la so saaray Dec 15 1791 wuxu sheegayaa in dawladda faraha kala baxdo arimaha caqiideed,dhexdhexaadna ka ahaato aaminaadda bulshada.
Haddii ay noqoto caalamka islaamka,Turkiga oo ay ka jirtay khilaafadii u danbaysay ayaa ugu caansan, iyadoo taarikhda marna aysan na hilmaansiin kaalintii Mustafa Kamal Ataturk.
si lamid ah sida dastuurka mareekanka, Turkiduna si cad ayay ugu qoreen in dawladdu ay tahay dawlad calmaaniyadda ku shaqaysa;
“Dastuurku ma aqoonsano diin rasmi u ah dadka Turkida,mana u ololeeyo inay mid ka mid ah diimahaasi aqlabiyadda yeelato.”
Qodob ka mid ah qodobada ku saabsan diinta ee dastuurka dawladda.
Ugu danbayn in badan oo ka mid ah aqoonyahanka maadiga aya qabo in calmaaniyadda lagu tilmaami karo diinta qarniga 21aad.