Published by: Mohamud Adan Dahir
warka maanta:
CB consumer confidence:
Conference Board(CB): waa hay'ad aan faaido dooon ahayn(nonprofit research organization),waxay ka qayb qaadataa qiimaynta dhaqaalaha mareekanka,inta badanna waxay xoogga saartaa macaamiisha iyo habka ay wax u iibsadadaan,maku qanacsanyihiin mise qiimaha oo kordhay darteedii walaac ayay ka muujinaayaan.
hay'adda waxay si nasiib ah (random )ula xairiitaa 3,000 oo qof ,qof kastana wuxu matalayaa qoyskiisa,tusaale haddii qoys 5 qof ka kooban lala soo xiriiro waaxaa la qaadan xogta uu bixiyo qofka masuulka ka ah qoyska,sidoo kale haddii uu iskaabulo yahayna waa laga qaadi survey-ga.
waxaa la waydiiyaa labo su'aal;
1-sideed u aragtaa xaaladda dhaqaale iyo suuqa shaqada ee dalka?
2-lixda bilood ee soo socota halkee ayaad isleedahay dhaqaalaha,iyo suuqa shaqada wuu gaari karaa?
kadib xogtan marka la isku keeno ayaa la soo daayaa bil walba maalinka talaadada ah ee u danbeysa,sid amaanta oo kale.
sidee suuqyada forex u saameeyaa?
bullish:
haddii uu ka kormaro filashada iyo saadaasha,oo dadka wax iibsada ay niyad wanaag ka muujiyaan shaqada iyo dhaqaalaha,tan ayaa muujinaysa in xogtan ay tahay mid u waangsan DXY waxayna ka dhigtaa mid BULIISH ah.
lacagaha ay USD u tahay quote ayaan SELL uga faaideysan karnaa.
BEARISH:
haddii uu ka hoos maro filashada iyo saadaasha,oo dadka wax iibsada ay niyad xumo ka muujiyaan shaqada iyo dhaqaalaha,tan ayaa muujinaysa in xogtan ay tahay mid aan u wanaagsaneen DXY waxayna ka dhigtaa mid Bearish ah.
lacagaha ay USD u tahay quote ayaan BUY uga faaideysan karnaa.
ISKU XIR YAR;
Consumer confidence oo kororta waa calaamad muujinaysa kor u kaca dhaqaalaha,tan ayaa iyana saamayn kuleh sicir bararka,kor u kaca sicir bararka ayaa sababta inay dawladdu isku daydo inay siricka qaboojiso iyadoo kor u qaadaysa INTEREST RATE-ka.
Wabillahitawfiiq.
WQ:Mohamud Adan Dahir(Naaleeye)