Published on: Wed Jul 10 2024
Published by: Mohamud Adan Dahir
Sanado ka hor,nin aan saaxibo nahay mar aan ka sheekaysannay nolosha social media-ha sida ay u tahay wanaag iyo xumaan is dhex daadsan,ayaan soo hadal qaadnay qabatinka istcmaalka aaladahan.
Wuxuu markaas ka cabaanayay Facebook oo uu lahaa,"haddaan kasoo baxo si aan u app-kale farriin ama dan kale uga qabsado waxaan is arkaa anoo isagii dhex taagan!"
Markaas waxaan haystay aragti ahayd in kaliya waxaasi yihiin qabatinka (addicted),illaa aan ogaaday FOMO.
FOMO,waa dareen qofka ku dhasha ama uu u maleeyo in haddii uu ka maqnaado dhacdooyinka bulshada ama internetka, ay wax muhiim ah ka dhaafayaan.
Baraha bulshada waxay siiyaan dadka daaqad ay kaga mid ahaadaan nolosha dadka kale, taas oo keenta in qofka uu arko sawirrada, muuqaalada, iyo dhacdooyinka deegaankiisa amaba si guud waxa dunida ka dhacaya xilligan.
Marka qofka uu isticmaali jiray aaladahan,arki jirayna xogo kala duwan, laakin kaliya daqiiqado uu qadka ka maqnaa , waxa laga yaabaa inuu dareemo in uu ka maqanyahay waxyaabo xiiso leh oo muhiim ah,ay tahayna inuu goob joog u ahaado taarikhdan qormaysa.
FOMO waxay yeelan kartaa saameyn taban(negative) oo ah mid maskaxeed. Qofka waxa laga yaabaa inuu dareemo walwal, niyad-jab. Waxa kale oo laga yaabaa inuu isku dayo inuu si joogto ah u isticmaalo baraha bulshada si uu u hubiyo in aanu waxba ka maqnaan. Taasina waxay keentaa in uu lumiyo waqti badan oo uu ku samayn lahaa waxyaabo kale oo wax soo saar leh, sida shaqo, waxbarasho, ama la joogitaanka qoyska iyo saaxiibada si toos ah.
Si loo xakameeyo FOMO,isla markaana diiradda saaro waxyaabaha muhiimka ah ee nolosha Waa in qofku ogaado in wax kasta oo uu arko baraha bulshada aysan had iyo jeer ahayn sida ay u muuqdaan, oo ay yihiin sawirro ama warar la hagaajiyay si loo muujiyo nolosha ugu fiican ee suurtogalka ah ama arrin kale la gaarsiiyo heerka ugu hooseeya si laguu soo jeediyo.
Saaxiibayaal facebook ama apps-ka kale traffic kama nihin oo muhiim ma aha inaan waardiyo ka hayno.