Israel flag

Published on: Sat Jun 22 2024

Published by: Mohamud Adan Dahir

Mustaqbalka Israel

Sanadkii 1999kii waraysi uu qaaday wariyaha Aljazeera ee Ahmed Mansour lana yeeshay sh Ahmed yaasiin ahaana hogaamiyihii iyo aasaasihii ururka Xamaas ayuu ku sheegay in israaiil ay burburi doonto si rasmi ah sanadka 2027.
Wariyaha ayaa waydiiyay sababta uu tiradaas u qabsaday wuxuuse sheegay inuu rumaysan yahay Quraanka.Quraankana sheegay ii jiilashu is badalaan afartankii sanaba mar.

Waraysigaas kaliya sadex sano kadib maqaal uu qoray newsweek ayaa lagu daabacay sawir xidigta israaiil ah,dhexdana suaal adag kaga qorantahay,"Xagee ayuu ku socdaa mustaqbalka israaiil,sidee ayayse ku badbaadi kartaa?"

Dovid Weiss oo ah afhayeenka urur diimeedka Neturei Karta oo daliilsanaayo aayado kitaabka tawraatka ayaa rumaysan dhismaha yuhuuda iyo in meel la isku keeno ay tahay caasinimo wayn oo Rabbi lagu caasiyay.
Markale ayuu yiri "yuhuuda waa ummad uu ilaah amray inay dunida kukala firirsanaadaan."

وَقُلْنَا مِنۢ بَعْدِهِۦ لِبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱسْكُنُواْ ٱلْأَرْضَ فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ ٱلْءَاخِرَةِ جِئْنَا بِكُمْ لَفِيفًا aayaddan marka mufasiriinta ay fasiraayaan waxay ku sheegaan in yuhuuda lagu amray inaysan isku imaan ee ay dunida kukala maqnaadaan.

Madaxii hore ee xukuumada ayaa qoray june 5 2022,"aynu ku baraarugsanaano sababta dawladaheenu u burburaan ayagoon gaarin 2000sano waliba labo mar?.

Markii koowaad israaiil ayaa u burburtay sababo is jiid jiidad gudaha ah markay jirtay 80sano.

Sanadka 2028 ayay 80 sano u buuxsamaysaa kadib markii israaiiliinta lagu beeray dhulka filistiin 1948kii. in badan khubarada iyo sadaal bixiyaasha yuhuuda iyo guud ahaan caalamka ayaa sanadkan malo fiican filayn.
Waxaa xusid mudan in saadaashooda iyo tii sh Ahmed yaasiin is waafaqsan yihiin kaliya farqi hal sano ah ayaa u dhaxeeyo.

Markii labaadna 77sano ayay ku dhacday.hadabba waa markii sadexaad ee seen u ilaashanaa dawladeena"?

Ka xukuumad ahaan, israaiil ma leh wax dastuur ah oo qodobkii maalmahas soo kordho unbaa laga doodaa.
Saddex ayaa sees u ah oo kala ah,kaniisada ama macbadka,xukuumadda iyo maxkamadda.

Bulshada israaiil ma aha sida dadku moodaan oo ah dad ku midaysan dawlad ama diin balse waa bulsho kala durugsan oo xataa qof walba uu leeyahay passport labaad.

Waxaa la ogyahay in qof walba askari yahay soona qaatay tababar,xilli kastana loo wici karo.

Sababta aysan israaiil u galin dagaal dhulka ah ka badan isbuuc ayaa lagu sheegay in bulshadeedu ay isku sidkantahay oo haddii dagaalku dheeraado qof walba loo wici karo oo baahiyihii bulshada qayb istaagi karto.

Hadaba intaas oo xaqiiqooyin ah ka dib galbeedka ma badbaadin doonaa gumaystahan sii liicaayo?
Waa suaal u baahan qalin iyo qad badan.

← Back to Blogs