Harar

Published on: Wed Jul 10 2024

Published by: Mohamud Adan Dahir

Xarar(Harar),Xarunta islaamka geeska Africa.

Xarar (Harar),magaalo ku suntan diin, cilmi iyo xadaarad.

Gumaystaha reer Yurub markay ka quusteen galitaanka dhulka Soomaalida ayay ciidamo calooshood ushaqaystayaal Masaari ah soo abaabuleen, ayagoo xiran shaarka gurmad diined,kadib ayay galeen magalada Xarar,dileenna hogaamiyaheedii.

Ujeedka ugu wayn ayaa ahaa in Soomaalida oo wixii diin Islaam sheegtaba madaxa saaran jirtay la sii jilciyo inta Xabashida gurmadka hub ee ay ka sugayso wadamada,Talyaaniga,Ingiriiska iyo Burtiqiiska usii dhamaystirmayaan.

Qabsashada xabashida ee magaaladan waxay ka gaysteen gumaad aan taariikhda lagu arag ,taariikhyahannada qaar unbaa ka saraysiiya xasuuqii Saliibiyiinta baytul Maqdis ay ka gaysteen.

Qiyaasta taarikhyahannada ayaa ku dooda in Xarar lagu gawracay dad 20,000 kor udhaafaya!

Bahalnimada xabashida kaliya kuma ekaan xarar,boqor Minelik wuxuu amray Soomaaliba haddii la arko dhiigiisa iyo maalkiisaba inay bannaan yihiin.

Isku dayo ay soomaalidu sameeyeen ma suura galin sababta ugu wayna waa inay hub u doonteen wadamada an sheegnay,qorshahoodana loo siidaayay xabashida .

Xasuusnow in Masar sidoo kale ka baxday dhulka soomaalida oo ay wakiil uga ahayd dawladdii Cusmaaniyiinta,iyadoon la ogaysiin hoggaankii soomaalida,markan waa marka Ingiriisku si buuxda gacanta ugu dhigaayo badda cas iyo dhammaan Waqooyiga Soomaaliya.

2023 waxaan ujoognay oromo iyo beel Soomaliyeed oo isku abtiris ah!

← Back to Blogs